Dadku aamin ma wada aha
Qaarbaa jira aadamaha
Rafiiq aad moodaysoo
Intay aasaan wanaaga
Xumaanta xumaanta ololiyaa jira
2x

Adiga sirahaaga faafsha
Arinkaad wadaagtaan
U warama dadkoo idil
Adna kula qoslaa jira
2x

Waa abees ku cunayee
Ha odhan wey ha odhan
Saaxiib ha odhan
Waa aboorkii dunidee
Ha odhan oo ha odhan
Saaxiib ha odhan
Indheer garad hadaa tahay
Aamusnaanta aamusnaanta ku dadaal
Aamusnaanta aamusnaanta
Aamusnaanta ku dadaal aamusnaanta
2x

Adoo sharaftooda dhowra
Abaal u galoo wanaaja
Amaan u hibeeya fiican
Inbaa neceb horumarkaaga
Adi adiga kula jecel dhibaatoo
2x

Ayaamaha badi wareega
Ayaa wacdaraha abuuraa
Ifkiyo dunida layaab leh
Itaalkiyo samirka kaasho
2x

Waa abees ku cunayee
Ha odhan wey ha odhan
Saaxiib ha odhan
Waa aboorkii dunidee
Ha odhan oo ha odhan
Saaxiib ha odhan
Indheer garad hadaa tahay
Aamusnaanta aamusnaanta ku dadaal
Aamusnaanta aamusnaanta
Aamusnaanta ku dadaal aamusnaanta
2x

Exit mobile version