Dareen baa igu lamaan
Adigu kuu Diirnaxoo
Si Dacaad ah buu qalbigu
Wanaag kuula Damacsanyahay
Wadnaha jir Dubaaxiyoo
Damiir baa kugu amree
Miyuu Ku Dagaa hankuba
Wixii kuu Daran adiga
Qof baan ahay kuu Damqada
Dadkana waan kaa jeclahay
Hadana Dooqaaga iyo
Qofkaad calmataa Dunida
Darmaanyahey kula jeclahay

Dadnigu waxuu calmado
Inan kula Daydayana
Daqriga maankiyo niyadda
Dadnimo farteydan Ku ooyee
Waxaan kuu Doorbidaa
Inaad Ku Dakeyso nolal
Waxaad Damacdana Qalbiga
Xaqiiq isagaa u Dan ah
Qofbaan ahay kuu Damqada
Dadkana waan kaa jeclahay
Hadana Dooqaaga iyo
Qofkaad calmataan Dunida
Darmaanyahey kuula jecelahay
lyrics by ABDHIR KUURDA

Exit mobile version