muuqaab le iyo dherer
magac qoys le iyo dhalad
milgo qaaliyoo nicin
tii dumar ku dhaaftee
sharaf loo dhameeyaay
dhaaya kugu qabooboo
dhawristada jecelbaa
kugu dhuganayaayoo
qalbi aad dhayaysaa
dhibta kugu ilaawee
aanku dheehdee ila joog
dheef caashaq igu soor
waa dhaqan jaceylkuye
dhadhan nolosha ii gali

jaah qurux le iyodhaban
qoton joogsi iyo dheeh
dhaqankiyo hubkqaadkaba
dhedig tii usidatee
deganida udhalataay
wadnii aad jaceyl dhaba
gacalooy dhan siisiyo
qalbi aad dhextaalo
dhisme aad kuleedahay
dadka kaa dhaweystee
aanku dheehde ila joog
dheef caashaq igu soor
waa dhaqan caashaquye
dhadhan nolosha iigali

Exit mobile version