muunad muunaad
muunad dhalada iyo
midab quruxsaneey
adaa muuqa wacan
bilic kaga mudhee

fardawsaay milgaha
marwo loo xushiyo
meeqaamka gobanimo
mudanbaad u tahee

muga dhaqanka iyo
miisaan sugan
MAWLAA wanaag
kugu manaystee
adi kugu manaystee

fardawsaay masal
muxibada kalgacal
mataankii ku hela
ayaa masno hantiyeey

Exit mobile version