Jacayl dhaba
Kuwii ku dhaatay
Wanaag labadaa ku dhaartay
Ayaa maantaba dhidbayaa
Aroos dhumucdiisu weyntahay

Dhabada nolashooda dhigan
Dhibtiyo arimaha cakiran
Alloow dhalanteed kayeel

Dhacdada waayaha adduun
Intuu dhab ufiirsadoo
Nacabka dhiilada wadaa
Dhagaha ka dabooosha

Dadbaa jira kala dhantaala
Farxadda dhumiyoo dhidbeeya
Lamaanaha kala dhambaalee kudhaada

Ducada waan idiin dhiteynee
Rabboow dheefiyo hannaan
Rabboow libinaan dhammaan
Dhexdooda alloow kayeel
Abti dooniyo umalkheyr
Gooya keega wada gooya
Gooya keegana wada gooya

Exit mobile version