Heleelo helelooy heleelahayeey
Heelada mar ha loo holoosiyo ee

Ala markaan ku arkaan
Ku caashaqayee
Ogaadayna inaad afgarad tahayee

Qalbigu adiguu ku qaayibaye
Hadeed qof labaad ha qaabiline

Ala Naftayda badhbaan ku moodaaye
Calooshayda kuuma baadheene

Hadaydii qacantaad ku haysaayo
Hadhkagay naftaydii ii hoos taale

Inaan bogsadsan is moodayee
Halkii bugtay way ba'naataye

Hadii tol la yahay ha la isu tago
Yartii tagtay taar ha loo diro eey

Naftaada kuwaani weedhaha nool
Wadnaha iigu hay wanaag badanee

Exit mobile version