dulqaadka hibooy deeqbaad u hesho
duntii nasabkaad dirtoodii tahoo
adaa duriyada dunji wacanoo
hibooy dar ALLEE adaa duco qaba

hooyo diinloo wax dheer dumarkiyo
aabo diriciyo halyay dooraa
hibooy daganida dadnimo kugu dhalay

haduu dookhiii intuu kugu daray
dugsi hoodale xamse kula dagay
wuxuu diidaba yuu dareemine
oori diranoo daryeesha ahaw

RABOW diredire ka dabaaloo
awlaad daymada lagu diirsado
farxad dunidana ku dul joogoo
dadku ku hirtaan ugu deeqoo
RABOW darajee u ducaynee

Exit mobile version