waa hawl aduunyee
ma ku helay jacayloo
sida hayinoo kale
intuu heeryo kugu raray
ma ku noqoatay hebadoo
ma u saaray haamaha

layl dhexe habeenkii
hurdo gama' ma diida
ma halaan hashaayoo
hambariirsataayoo
dhabanada ma haysaa
ilmo habaq ma kaa tidhi

ruuxaad had iyo jar
dadka uga han waynayd
ma ku jaray halbawlaha
adiguna huqiyo ciil
ma la hoyatay kaligaa

waa halis jacaylkuye
ma baday hantaaqiyo
hoosiiska beenta
mawjadaha hirgama
inuun hiska ma is haleeshen
hadimada ma gocataa

adigoo warba u hayn
hir jacayl ma kula tagay
hirqatoo badwayntii
heehaabtay guudkee
hoheey caashaq daranaa
kaligaa kugu haysaa

Exit mobile version