Aduunyadu hayaaniyo
Waa hawlo badantoo
Hiigsi nimaan lahayniyo
Hurdaayey u darantoo

Hurdaayeey u darantoo
Hurdaabay u darantee

Umadaha horseedee
U hayaamay dayaciyo
Awoodaha La hiilsado
Tacliinbayn ku haystaan

Hurumar aanu gaadhnoo
Asaageen aan haleelnee
Barashada ha loo kaco

Harawsiga gumaysiga
Gaajadiyo haraadkiyo
Cuduradan na haystiyo
Hohey waan basaasne

Hooraha badroolkiyo
Hantidiyo barwaaqada
EEBAHEEN na hoos dhigay
Waa laga habsaamee

Exit mobile version