marwooydin kala gudi
dharaar qudha isma odhan
waxa dhici isfahan waa
dhexdiina dad soo gali
marna iguma soo dhicin

labadii idku dhaadan jiray
jacayl isku dhawran jiray
nasiibkaa dhantaalayoo
hoy inaan ka dhistay ahayd

wixii dhacay way dhaceene
hayeeshee dhugo waanada
inaa wada dhalashadaiyo
walaalnimadii dhamaa

dhabtii waydin kala tagi
ama waydin kala dhiman
waxa dhici is waayoo
waydin kala dhaqaajine
qalbigayga kuma dhalan

dhaayihii isku ooyi jiray
is dheehan jiraa is nici
damiirku dhabaysan waa
hankay dhalanteed tahay

Exit mobile version