Jaceylkii qabyoobayoo
Nasiib Qadar baajiyoo
Qiimaad ku lahayd aktayda
Xasuus igu qaaliyaay
Qiimaad ku lahayd aktayda
Xasuus igu qaaliyaay

Anigoon diideen Qoraalka
Inoo qadar yahay  iswaaga
Qudhani qofkii ay jaclayd
Waayaha kala qariyiyoo

Wadnahii Samir qaadayee
Qalbigii hooy bogsoogayee
Dareen i qasbaayay iyo
Sanadan qatanaa darteed
Naftii iga heshay quusoo

Qamuunyo jacayl ahoo
Qofaan lala qaybsaneen
Intaad iqtiyaar ka qaado
Ruux kale ha uqabin sideedii
Intaad iqtiyaar ka qaado
Ruux kale ha uqabin sideedii

Qeybakaan sugayaa
Anoo Nolasha qeybaha ii haray
Allaha qaniyaan baryaa
Inaan qurux kaga gudbee

Wadnahii Samir qaadayee
Qalbigii hooy bogsoogayee
Dareen i qasbaayay iyo
Sanadan qatanaa darteed
Naftii iga heshay quusoo

Exit mobile version