VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jigjiga - Lyrics

jigjigaay gudahaaga kol inaan yara gaadho buuraha gunta dheerle galab nool ku dalxiiso naftu way ku guubaysee GUULOW waa mahadaa hoygii la igu gardaadshoo gamaankii baladkeenu gaardinaayo banaanka geeridayda horteed hadii GUULE i joojiyay hurdadaan gam'ayaa dhe si aynaan u gumoobin geedigii lixdankiiyo goobistii qareenkeeniyo libintaynu gu'yaalba geesiyaasha u waynay inaynu wali gaadhin taana gaar u ogaada calankii na gargaaree guud ahaan na mideeyay hadii guudka la saaray isagoo ku gadaaman sharaftii gobolkeena GUULOW waa mahadaa dhe inkastoo la gumaysto garba duuba shisheeye gobtu liicis mooyee jabka guul ka dhaxlaane kol hadaan han ku guurnay GUULOW waa mahadaa dhe gees kastoo laga eego dhaqankii gayigeeniyo isirkeen guryaheeniyo afka gaar inoo ah kol hadaanu sal guurin GUULOW waa mahadaa dhe
Queue is empty
-- / --