VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Jigjiga mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Nimcaan Hilaac
Jigjiga

jigjigaay gudahaaga
kol inaan yara gaadho
buuraha gunta dheerle
galab nool ku dalxiiso
naftu way ku guubaysee
GUULOW waa mahadaa

hoygii la igu gardaadshoo
gamaankii baladkeenu
gaardinaayo banaanka
geeridayda horteed
hadii GUULE i joojiyay
hurdadaan gam'ayaa dhe

si aynaan u gumoobin
geedigii lixdankiiyo
goobistii qareenkeeniyo
libintaynu gu'yaalba
geesiyaasha u waynay
inaynu wali gaadhin
taana gaar u ogaada

calankii na gargaaree
guud ahaan na mideeyay
hadii guudka la saaray
isagoo ku gadaaman
sharaftii gobolkeena
GUULOW waa mahadaa dhe

inkastoo la gumaysto
garba duuba shisheeye
gobtu liicis mooyee
jabka guul ka dhaxlaane
kol hadaan han ku guurnay
GUULOW waa mahadaa dhe

gees kastoo laga eego
dhaqankii gayigeeniyo
isirkeen guryaheeniyo
afka gaar inoo ah
kol hadaanu sal guurin
GUULOW waa mahadaa dhe

codkii Nimcaan Hilaac