Hadii uu  itaabtoo
Ku talaalmay xididdada
Qalbiga i tiigsadee
Igu tarmay sidaadii

Nolashu waa toban iyo
Ayaamuhu tirsamayee
Toboshadu xalkeed
Xa iga tuurin caashaqa

Inkastoow  iska tuuriyo
Ka tir laabta leedahay
Waa tabi had iyo jeer
Qof wadanaha ku tiirsaday

Hadii aan ku taantoo
Ku tiirsamay naftaadee
Xanuun kugu tuujiyee
Ku talmay sideedii

Taruuc weeyo caashaqo
Tirsiin iyo xiriisane
Isagoon dhamaan tagin
Tiirka looma sii celiyee

Inkastoow  iska tuuriyo
Ka tir laabta leedahay
Waa tabi had iyo jeer
Qof wadanaha ku tiirsaday

Exit mobile version