baryaan tagay ceelasha bariyoo
buuhoodle buuraam ka haybsadayoo
biyahaan dhuray birta caynaba oo
bardahan ku wareegay buurdhaaboo
ka baaqay banaanadii hawdoo
biimeeyay naftaan bogsiin jiraye
la iga kaa qaadyoo la ina kala qariye
ala qacdaan ku arkaan is qoonsadayee

bileeyoo dawadaada la ii dhiibaayo
dabadeed dubay iyo dahraan tagayo
dayuuradu la igu doonaayo
sidii dahab la i dawariyaayo
dabiibkaaga diiqad galiyaayo
ku diidoon ana dul boodaaye

dharaarta qatankee la qaawanyahiyo
dharaarta qoroto iyo qudhaanjo maqnayn
qudhaydaad goysaybaa laguu qabanoo
qalbigaad xadayba laguu qiriyo
malaa'igta qalinka loo dhiibiyo
ILLAHA qaadirina wax qarin maayoo
qiilaad ku baxdaana kuuma qornee
qawlkeebaad la hor tagi qiyaamaha ee
la iga kaa qaadyoo
la ina kala qariyee
ala qacdaan ku arkaan is qoonsadayee

Exit mobile version