ma burburay heshiiskii
balantii ma jabantay
barashadu ma quusbaa

kalmadihii bogaygiyo
beerkayga luli jiray
iyaguna beenbaa

bi'waa haweenow
oheey beer nugaylkiyo
xiisuhu laba bari iyo
bilo yar weeyaan

hadii uu bisaylkiyo
kalgacaylkii kaa baxay
ana waan bogsanayaa

inkastoon bukaan ahay
qalbigiisu ba'an yahay
bahdilaad ma sugi karo

bari maayo caashaqa
badhi fure go'aankii
iyo barashadaadii shalay

bi' waa naftaydaay
ruuxaad u boydaa
maba gayo baroortee
ilmada bal beekhaami

Exit mobile version