nasab maaha ruuxi
haween nacab u haystaaye
ninba maaha ruuxi gabadh
nabar u geystaaye
nacas waaye ninka
aan cisaeyn naaski u jaqaye

nasiiibkiisu nin uu rebayba
naag ku ciil baxayee
nuqul iyo war xun faafintuna
waa nusqaanimo ee

nabigeenu siduu yidhi
naftay nala wadaagaane
ma gayaan nataqiyo
xumaan nockastay tahaye
bulshayahay ka naafaynayiyo
nacasku yaanu taaban
oo ka naara shaydaanka
waa laga najeyaaye

waa ubax nadiif ihiyo
cudoon jawrad iyo luule
nimco iyo naruuro iyo
habluu waa nabaadele
nasteexiyo nug dloiyo
dhamaan waa nadisone

waa loolantiyo habtiyo
loolay dhabarkee
waa nuujintii hooyiyo
nolol bilowgeede

nabigeenu siduu yidhi
naftay nala wadaagaane
ma gayaan nataqiyo
xumaan nockastay tahaye
bulshayahay ka naafaynayiyo
nacasku yaanu taaban
oo ka naara shaydaanka
waa laga najeyaaye

Exit mobile version