jacayl iluraa
igu ladhanoo
laxawgiisii
waan la liicoo
waan la litaa
adna lahashada
laabtan kuu nugul
ma lib siiside
maad lugooyiyo
daysid labac labac
la,aantaa
ma ladoo
liicayoo
waan lumee
aduunbaa laasimo
qabiga ku ladhan
ee igu lamaanoow

caashaqa ladnaan
haday laba ruux
si lilaahiya
u ladaabtaan
samay ku ladaan
adna laanyahay
laydu ay ruxdaa
i laabkicisee
mar uun aan ladee
lurka iga daa
la,aantaa ma ladoo
liicayoo waan lumee
aduunbaa laasimoo
qalbiga ku ladhan
ee igu lamaanoow

Exit mobile version