Sida looxa diinkoo
Lagu dhigay khadookale
Laabtaad ku qorantahay
Adigaa lahaadoo
Libta calaf u yeezhee
Labadeena luuleey
Labadeena isku ladhan
Ixtiraam iyo ladnaan
Libaan iyo wanaag
aaha
Jacayl igu lilaahiya
Naftaad ku lamaantahay
Ala jacayl igu lilaahiya
Naftaad ku lamaantahay

Waxaaa laga abuuray
Lafta feedhaha bidixoo
Laga reebay xumihii
Libintana quruxoo
Dumar sharaftaadu luuleey
Sharaftaadu luuleey
Ka hilaacday caada sare ee
Ka hilaacday caada sare ee
Ixtiraam iyo ladnaan
Libaan iyo wanaag
Jacayl igu lilaahiya
Naftaad ku lamaantahay
Naftaad ku lamaantahay
Jacayl igu lilaahiya
Naftaad ku lamaantahay

Exit mobile version