qalanjadii haweenkiyo
qumantaan is baranaa
inkastoonqacdii hore
sida layla iyo qays
qisadeenu inana yhay
isku qoofalaydoo
ila qaaday caashaqa
balse waxan qureyshayahay
qarda jeexa kenee
qalqaloocshay sheekadu
qiso yaab leh weeyee
ma waxbaa qarsoonaa
qawlkaan shalay idhi
qaldi maayo caawoo
ceb qaadan maayee
gabadh qiimo badanoo
qayrkeed wax dheeriyo
ruux qiimo laa tahee
kuma qadiyo eebuhu

qalanjadii haweenkiyo
qumantaan is baranaay
wuxuu qoray illaahbaa
qofna baajinaynoo
qasab ma leh jacaylkuye
mar hadii aad qayrkay
u qushuucday maantoo
qaabishay dhigaygee
kugu qoonsan maayee
qaligaagu kuu rabo
qosol kula caweeyoo
qiimo bada kula nooloow
qawlkaan shalay idhi
qaldi maayo caawee
gabadh qiimo badaniyo
qayrkeed wax dheeriyo
ruux qiimmo laa tahee
kuma qadiyo eebuhu

Exit mobile version