magoolkaa dhirtiyo
ubax muunad wacan
waxa tahay mulaax
malyuun lagala baxo
adan ma ogid sidaan
ula miirkacee
igu maran kalgacaloo
igu milan sidaan
majdaay kuu arkee
maalin qudha miyaan
kaa maarmayaa

waa igu maaxayaa
maashee jacayl
igu moostayoo
marinada wadnaha
dhiigu uu maraad
meel ku yeelatee
igu maran kalgacaloo
igu milan sidaan
majdaay kuu arkee
maalin qudha miyaan
kaa maarmayaa

Exit mobile version