munadii hablahaad marwooy tahayo
maalintaan ku helaan murugo ka nasto
midhaha kuu magoolay waan u mude
maruunbaan rabay inaan mulkiye

mahuraankii naftayda meel mariyayo
muraadkaan lahayn ka midha dhalinaye
maankayga jacaylka maansheeyayow
mawlihii isku keensima mahadle

mataano laba ah hadana mid qudho
midiba mida kale mashquul ku yaho
midnimo wada jiroo midig iyo bidixo
cidina dhexdooda marinban nahay

maaweeli caruurtu waa muhiimo
martiyo waalidkeedba muuneeyo
man iyo ubaxeed muuq dheerey
macaan iyo waxad tahay madhafan

mudaynu ahayn dar caashaqa muto
muxubo kalgacayl madlun la ahoo
markasta wada jiriyo meelkastoo
aan kala maar mayn mirir qudha ee

Exit mobile version