Midaan arageeda
Il doogsada muuqa
Hadaan in yar waayo
Midaan u ilmeeyo
Markey ila joogto
Midaan istareexo

Afkeedu miduusan
ii quurin xumaan
Miduu eraygeedu jaceyl
Igu beero kalsooni abuura

Ideeqaay ideeqaay
Asaageey idhaafshaay
Midaan ku arwaaxoo
Iiroon marwadeydaay
Allaha igu beegay
Ayaa mahadaa leh.

Exit mobile version