naxariis da'diyo roob
hadaan xididku noogayn
dhirta ubax ma nuureen
nabaadkuna ma soo baxo

naftayduna sidoo kale
jacaylkay u nugoshoo
hadaan nacabka laga jirin
halis weeyi noloshuye

sow nuur qalbiga iyo
halbawlaha ku naaxoo
halkaan ka nuuxsado
nifaaqeeya maad noqon
niyada kumaan siin

naruuriyo samaan dhaba
hadaan nidarka qawl adag
lagu naaxin caashaqa
lama nuujiyeen ubad

nin ragina sidiisaba
la naf qabsan gaarina
hoy kuma nagaadoo
ifka kuma nashaadee

Exit mobile version