qalbiga nudihiisa
nabdiga iyo uurka
niyada saldhigeeda
oo intii naxli heedhe
nacayb igu haysa
iigu qaaday

intii nabarkayga
dhibkayga ku naaxda
aniga nafsadayda
intii neceb maanta

anaa noloshooda
saamxay noloshooda
laabta u nadiifaa
naqbaan u rajeeyay
nimcaan daga leeyahay

nadiga ha u qaadan
admiga naxdintiisa
nitaaqo ha raadsan
waxaad noqon waydo
nasiib ha u eersan

ha naadin waqaana
nafsiga ficilkeena
ku waani naftaada
inbadan naxariista

wixii noloshaada
nusqaan u horseeda
naanayso ka reeba
ka naar qalbigaaga
naciyo xumohoo dhan

Exit mobile version