hadaad iga roorto iyo
hadii aad i raacaysaba
rajuun baan kaa qabaa
hadaad raran igu gubtayo
hadaa rays igu furtaba
halkaa rubadaad ku taal
waxaan laga raysanayn
kolay lama raajiyee
ku jecel ruuxdani ku jecel
rukuucda sujuuda iyo
salaadaha raatubta ah
adaan rabi ka baryaa

hadaad iga raysatiyo
hadaad isasoo rogtaba
si wayn baan kuu raba
hadaan kala raagna iyo
hadaan kala raar dagnaba
ruclaan kugu goobayaaye
raacdada xiiisaha i baday
naftaydaa raali kaa ahe
jacayl waa raasamaal
rukuucda sujuuda iyo
salaadaha raatubta ah
adaan rabi ka baryaa

Exit mobile version