Hadii dadka qaar sharkiyo
Xumaha dawo looga dhigay
Jacaylkuna ruuxuu dilo
Diwaanka lagu daray
Duruuftiyo noloshaada
Xumaanbaa isku diidnaa
Xalkooda ma daydayee
Labada isku duubanbaa
Aamin ku daadaxshoo
Ha yeeshee dulqaadkiyo
Sidaan dusha kuugu sido

Hadaad daacad iigu tahay
Dhaxdeena dabkaa ka shidan
Heeee haaaa
Hadaan dan lagu heshiin
Jacaylkana loo dar dhigin
Duruufaha taagan iyo
Casriga dunadaaa
Aadamuhu takanihiyo
Duluumaha qarqarsooniyo
Dabino laysku laba dhigo
Labada calaf isku dariyo
Xalaal lama kala dilee
Hayeeshee dulqaadkiyo
Sidaan dusha kuugu sido
Dhaxdeena dabkaa ka shidan
Kuwii daaraa ku guban
Kuwii daaraa ku guban

Exit mobile version