shan geela adoo lahaa
haday sadex kaa gudheen
labana kaa gaagaxeen
waliba guur doon aad tahay
gabadha yaa dooni kara

maahmaaha guunabaa tidhaa
hadii milil guudka iyo
geesaha uun laga yar dhayo
gunaadkuna durugsanyahay
boogtii lama gaadhayee
gunta ma u dhaadhacnaa

xaqiiqda goobta taal
waxuu gundhigeedu yahay
guntaa haan laga tolaa
u jeedadu yay gadmane
geediga lixdankii la raray
walina aan goob la furin
si aan uga keeno guul
qorshaha ma u kuur galnaa

yaraan alif kaa gadmaday
gabawbuu kugu sugaa
gafkeenu halkuu ka yimid
inaynu garwaaqsaniyo
godobta ma u nahay diyaar

halkii guri reerr la furo
gurada aasaaska hore
aasaan gunta laga adkayn
gufaacaa kaa ridoo
daadkaa kuu soo galee
udbaha ma u giijinaa

Exit mobile version