waqal sida mayay roob
oo saban barwaaqo ah
saxansaxo udgoon badan
qayrkiisa saydhiyay
biyuhuna susumayaan

rahu seexan waayoo
sawdkiisu saaranyahay
dhirtu ubaxu saaqoo
cagaarkuna ku sii daray

subax xaalku saa yahay
adigoo susumayoo
suuradaad u dhalatiyo
ku sifaysan qurux dumar
inaan sihaam ku daawado
SAATIR ha igu kaa simo

sabankoo barwaaqo ah
cadceed sii dhacaysoo
saydhisay falaadhaha
kuna saaqday geedaha
oo sow ka maqashiyo

wayraxa sacaha iyo
geelu soo dhawaadiyo
seerada la soo galay
ubadkuna ku sugayaan

Exit mobile version