Hugaa dhaxan kaa dugsiiya
Xalbaa libin kuu horseeda
Halyay waxa sheegta doora
Ugaasooy ninkaad la haysee

Hubaal weedha toosan
Huqdaad ku dirtaa dabuubta
Hiilbaad tahay loo bogaayo
Hubqaadbaa kuu astaana

Quruxda heerka sareeyaa
Masalkaa ma le haweenku
Hubqaad dabci loo hiloobo
Ugaasooy hanaan wanaageey
Hablaha adigaa hogaansha

Hafeefta aduunka taala
Qofkii ku arkaa hilmaama
Agtaada midkii haleela
Ayaa hamigiisa gaadha

Exit mobile version