goor iyo ayaan nafta waxaad u tahay ubax soo widh widha
ag joogaaga iyo ereyada kal gacal inay igu bataan ala jeceliya
axdigii la galo qofka oofiyuu alle jecelyehe ayaan badaniyaa
anfacada la cuno adoon ila fadhiyin afka maba gashoo iimaba
dhadhami
inagoo is jecel markaan arkaba uurkiyo qalbiga ku adeecsanba
aad ugu farxaa
abuurkaaga wacan eegmadaa ku ladhan amaantaan ku daray
inaad tahay ninkaan mude dheer allow igu beeg lahaa
aqbalkuna ku dhacay
inaad mudantahaa anigiyo daduba isku raacnayoo
waad istaahishaa
anigaa qirtoo caashaqa unkamay sida oogadaan u ilaaliya

Exit mobile version