aragsaneey waxaa tahay
uurku miduu taboo
dhamaan unugyada jidhkiyo
naftaydu u oomantee
astaana waxaad u tahay
akhlaaqda wanaagsan iyo
waxaa tahay aaminaay
hablaha taan ka aaminiyo
ayaan badan taan ku dagay
hadaba ooridaydiyeey
is afgaradkaa qaaliyee
islaaxa dhexdeena iyo
dhismaha qoyska wacan
sideen u ileeshanaa

aragsaneey waxaan ahay aadame
hadaan aaminaay qaldamay
inaad iga saamaxdaan
macaan adka kaaga ahay
agtaydaad qiimo wayn
oo aanan ilaawi karin
adaa idileey ku loo
abaal baan kuu hayaa
ayaan badan taan ku dagay
hadaba ooridaydiyeey
is afgaradkaa qaaliyee
islaaxa dhexeena iyo
dhismaha qoyskeena wacan
sideen u ilaashanaa aaminaay

Exit mobile version