inanyahay wareerkiyo
walwalkaad abuurtaa
waayahan ku taagoo
la walaacsan tahay wali
waxay talo xumaataa
markaad wacan kalsoonida
waydaaratee tidhi
anuunbuu warkay soco
malaha wadarta ruuxaad
waayo arag ku tahayoo
qormadiyo wanaagaa
waheey aanad garanayn

hadaan wadajirkeeniyo
wabaax iyo kalgacalkiyo
wanqlaal dareenkiyo
ma wadaagi karaynaa
xilka qoys wanaagiyo
markaan warsan maad noqon
hana dhuuxin weedhiyo
wixii inaga noo daran
malaha wadarta ruuxaad
waayo arag ku tahayoo
qoradiyo wanaagaa
waheey aanad garanayn

Exit mobile version