waayaha aduunyada
wax ku qaadan mayside
ruux walaal ku moodaa
hadii uu ku weheshado
oo wacadka ku diidaa

warankaad ku tuurtaa
kugu weecan doonee

jacayl kuma waraysee
waa igu waa bariistee

halbawluhu ma wado dhiiig
wadnahana ma siiyee
wadkaygii ha noqone
hadaad adigu wacantay
ani way i raacdee

sidaan waalanahaybaa
la igu wiirsadaayee

weger idhi la taliyahaan
waanadiisa diidoo
adigaa i wiiqee

warwar laguma waaree
waayahay aan ka helo

war war laguma waare
nafsaan kugu wareejee

Exit mobile version