waloow aanu baran
bogaan samir ku idhi
waloow baahidii
boga wali ka tirin
waloow aan bartii
damqashadu ka bi,in
waloow aanay bilaneey
qalbigii ka bixin
waloow wali burqanaay
ilmo badan indhuhu
waloow aan basraay
bilis kuu jeclahay
kolkaa baryadaa
boqol jeer ku qaday
may bogsoon naftuye
waan baajiyee

waloow aanu ka burin
baashaydu axdigu
waloow barashadii
baylah wali la rabin
waloow aan baryanna
bidhaantaadi wali arag
waloow aanan boganoo
hurdadii badh helin
waloow wali badwayn
badhtankeed ku jiro
waloow bariidadii
booqashadaadii tabay
kolka aan barashadaa
boqol jeer ku qaday
may bgsoon naftuye
waan baajiyee

Exit mobile version