nuurkiyo qoraxdii ifkee
falaadhaha qaybisaay
haday dumar qaayo
inuu qurux leeyihiin
adaa qaaliyey ku wacan
qudhayda adaa hantiyey
adaa qabya tira hankoo
qormeeyay jacaylkiyoo
qaybtii noloshaa tahee
adaa qalbigii hadhsada
wanaagu haduu qof yahay
qudhaaduu noqon lahaa
waynaa isku keen qoree
nolosha dhinacaaga qabo

qaabkuu rabi kuu dhigaa
suugaan lagu qeexi karin
haween qaryad baad utahay
hablana qalanjaad utahay
dadnimana qani baad katahay
anaa xala diinta iyo oo
qiyaamka rabi kuu dhashiyo
qawlkiyo ficilkad sugtaa
qayrkaa kaga soocantahee
adaa qalbigii hadhsadey
wanaagu haduu qof yahay
qudhaaduu noqon lahaa
waynaa isku keen qoree
nolosha dhinacaaga qabo
wanaagu haduu qof yahay
qudhaaduu noqon lahaa
waynaa isku keen qoree
nolosha dhinacaaga qabo

Exit mobile version