Dooqan Igu jiree
Dumar adi ku yiri
Igu deeqay kalgacal
Dawo ma leh miyaa

Dareenkiyo wadnahii
Ku daryeeli jiray
Ka dal dardoorsatee
Day aan ku faree

Xubigan dartaa
Igu riday daluun
Dar alle hadmuu
Qalbigaaga dagi
Aniguna idagi

Midaan doortayee
Naftu igu dartaay
Intaan kuu diirnaa
Miyaa ii darneed

Dabeelaha kalgacal
Markay ila durkeen
Duufaan iheleen
Dirdsin ila jecleed

Xubigan dartaa
Igu riday daluun
Dar alle hadmuu
Qalbigaaga dagi
Aniguna idagi

Exit mobile version