haddaan goonyaha cishqiga
inuu gaagaxo ka jiray
cishana gabbalkii dhacaba
naftaada u gooni ahay

anoo gacalisooy ku iri
inaad iga gaabsataa
miyeey kuu gaadhay taa

intaa waxaan goobayaa
uguuxaa hadiyo jeer
inaan guri kula degoo
adiga kuu gaar noqdee

gadduu dhaqankeennu yahay
haddaadan garwaaqsaneeyn
nabdiga geedkii ka baxay
gadaal ha u celin marnaba

garwaaqsiga xaajadana
aduunyo guullaha baxshee
garaad wacan igula soco

intaa waxaan goobayaa
uguuxaa hadiyo jeer
inaan guri kula degoo
adiga kuu gaar noqdee…

Exit mobile version