kolkuu waayuhu adkaado
naftayda adaa kalkaala
koolkooliya sida dhalaanka
kashana kalgacayl ku soora
anuun ka tiro dadaala
misna adigaa i kaaba

kolkaad dhinacayga joogto
anaan ruux kale u baahan
kaafton bashar kale ilaawaye

kun dhaan adiga quluubta
kalsooni ku maamulaya
adaa kaabay i dooja
kolkaan ku hele midownay
naftaa faraxdo kifaxday

kasmada garashada saraysa
kaftanka erayada jacaylka
kalmada wacaniyo daryeelka
hankaa ku qoree dadaalka
kaaxay sidan kuu jeclaaday
jaliilku ha kuu jeclaado

hadaan dooney kaafeeya
kashiyo kugu dhowran labta
anaan garan kaalintaadiye

kun dhaan adiga quluubta
kalsooni ku maamulaya
adaa kaabay i dooja
kolkaan ku hele midownay
naftaa faraxdo kifaxday

Exit mobile version