Lamaane is doortay waa dahaboo
Dariiqa wanaagsan lama diidee
Dooq iyo calaf ha isku keen darayee

Deeqaay labadaynu waa darisnay
Dubaaq iyo laabta kaa doonay
Way way dawada nolashiyo dan ila garo

Daleed waxaa dhaanta dugsi iyo guriyee
Daa’in baan ka baryaaa inaynu dagnoo
Deeqaaay ubad aan daadhinee
Kusoo durug aan daadhinee

Dabciga wacan baan ku diirsadoo
Dar’alle quraxdaada waa ideeqadayo
Daymada indhaha ku doogsada
Daymada indhahaa ku doogasadee

Deeqaay waxaa tahay darmaan ugabooo
Dalkayna lagu aroosaayooo
Damaashaadkana loo dabaal dago

Daleed waxaa dhaanta dugsi iyo guriyee
Daa’in baan ka baryaaa inaynu dagnoo
Deeqaaay ubad aanu daadihinee
Kusoo durug aanu daadihinee

Exit mobile version