Habeen iyo maalin
Hirwadaniyo dhaanto
Heelada baxaysa
Adaanbkuu hibeeyay

Hadaan hodaneey
Hubqaadka jidhkaaga
Hankaygu jeclaaday
Miyaanan helaynin

Haydaarta dhibteeda
Hadaan ku hantaaqmo
Kalgacalka huqdiisa
Hamashka iyo reenka
Hilowga ka waraabi

Hirkaa quruxdiisa
Hubaal aan dhex joogo
Hadaan ka habaabo
Anaa hakranaaya

Odhaah hadalkaaga
Hanaan dhaqankaaga
Haybada sharafkaaga
Ayaan hido raacay

Exit mobile version