Dareen muhasho leh
Jacayl mudasho ah
Mudnaan garasho
Kalgacal muxibo le

Muuqaal hibasho leh
Maariin dhalasho ah
Muunada quruxda leh
Midaan ku xushaay

Sidii malabkii macaan badaneey
Maankaad dajisoo
Yaasmiin miratee
Jacayl midho dhala
Macaan iga hoo

Milgiyo sharaflay
Misbaax nuuraay
Mugdiga ifaysaay
Miyaan ku huraa

Markaan ku helaan
Mabsuud noqdoo
Farxada mulkiyoo
Ka maydhay dhibkii

Exit mobile version