Imisuu nasiibkiyo
Nolol calafku ugu diray
Nimaan u qalmayninoo
Hablaha gabdhaha
Niyadooda dila

Midaan naxayniyo
Nacasbaa intuu helay
Naafeeyay dumar badan
Nolosha uga dhigay qadhaadh

Nasab qaaliyaad tahee
Ha niyad jabin
Oori lagu nastaad tahee
Ha noqon quus
Rajaad nolosha leedehee
Nin ku jecel ayaad heli
naxariis lebaad heli
Nin ku dhawrtabaad heli
Nasab qaaliyaad tahay

Imasuu nitaaqiyo
Naxdin dumarka u badan
Ninaan u tudhayninoo
Hablaha gabdhaha
Niyadooda dila

Midaan nasteexiyo
Qalbi nugul lahaynoo
Naxariista kaba tagay
Nacaba noloshaadi kaaga dhigee

Exit mobile version