adaa riyo ii abuuray
adaa rajo ii ahaaday
anoo quustoo ragaaday
adaa guul ii rumeeyay

adaa rasmiyoo ku beeran
ogow ruuxdiyo jidhkayga
adaan raadaan ba'aynini
ku reebay macan xiskayga

markaan rubuc saac ku waayay
qalbiga kaa raysan waayay
haween u raaci waayay
ra'yina wax u dhaafin waayay
inaan kuba raadin waayo

adaa raxmad ii ahaaday
adaa raako dheer i saaray
anoo raxan raadka nuugay
adaa raaliyo i deeqay

adaa rabitaanka beerka
ka goyn rubadayda baahan
adaa rukunada jacaylka
ku taagay runtii bogayga

Exit mobile version