tusbaa tihiin doona khayrle
togbaa iman aan gudhaynin
qalbiyo kala taagan meel fog
waayuhu midba meel ku tuuray
ayaa isku talaabi

waxaad ku tidha naftaada
hankaa laga tiirsadaye
niyada tamar weyn ka yeelo

taarikhdu ilaawi mayso
dhabaalaha caashaqeena
intaan tacab soo marniyo
tagtada waayihii adkaa
jacylka sidaan u taagnay
tusaale dadkay u noqon

turxaanley caashaqeenu
wakaa tarmaaye koraaya
tusmada nolosha sugaynay
wataa maantaba tisqaaday
nasiib ina taakuleeyay
tiriigna inoo ifaayo

sidaan anba kuugu taamo
ayaad adna ii tabtaayo
niyada tamar weyn ka yeelo

taarikhdu ilaawi mayso
dhabaalaha caashaqeena
intaan tacab soo marniyo
tagtada waayihii adkaa
jacylka sidaan u taagnay
tusaale dadkay u noqon

Exit mobile version