Inkastoo xiskaygiyo
Qalbigayga xiratoo
Xuub adag ku leedahay
Inkastoon uxiisoo
marna aan xaqiri karin
Xubigii balaarnaaa

Misna xumahaad beertaa
jacaylkii xadhibanyahoo
Xagal daaca waa adaga

inkastoo naftaydiyo
Sharuud guur ku xerayoo
Xaas adiga kula rabay
Marna kuma xisaabtamin
jacayllkii xurta ahaa
xaalkaan ku suganyahay

Misna xumahaad beertaa
jacaylkii xadhibanyahoo
Xagal daaca waa adaga

Exit mobile version