Haduu beerku qaybsamo
Badhbaan adi ku siin lahaa
Wadnahayga bidixdana
Waan kuu badali lahaa
Kaaga waan la bixi lahaa

Waa booli dhiiguye
Kaalamaan bakhayleen
Naftoon laba bahood noqon
Badhkaagaan ku siin lahaa

Biyo hadaad cabaysana
Bisinkaan ku dari lahaa
Badankaaga faataxo
Bawdbaan uga dhigi lahaa

ILAAH waxaan baryaayaa
Aduunyada badhaadhiyo
Barkhad inaad ku waartoo
Aakhirana bishaariyo
Janada inaad ku barida

Waan ku baga bageeyaa
Kuu luli lahaa balag
Bilad dayay sidiisaan
Kuu daawan laa bilig
Beeryarada oloshaan
Biyo sii ku odhan laa

Sida booga dhayay
Waan kugu bagsoon lahaa
Hadiyo jeer bariidada
Kaalamaanan baydheen

Exit mobile version