hadaan hooyaday ikorin
miyaan kaalin gali lahaa
hadaan hooyaday ikorin
kufkay maan hiigsanlahaa
la,aanteed lama kacay
la,aanteed lama kasey
kalyaha lagu dhiiraday
kalsoonida igu jirtay
oon miyaan kalmad iyo odhaah
xaqaaga ku koobayaa malabey
anoon hooyoy xajkiyo
ku gayn kabcadii wacnayd
wadku kadis kuguma helee
agoonimo igu korshey
kadeedkaad ila martiyo
kufaa kicii waan ogoo
kashaysdaasaan ku qorey
kasmada miyirkiyo xiskay
janada kadin laga galay
isoo koolkooliyey
kariimkaan kuu baryayee
janada raba kuu kashkaash
ifkana kurba kaa xijaab
kaydkii dhaqanka iyo ifkay
kaahii ifka nuurayey
isoo koolkooliyey
kariimkaan kuu baryee
janada rabi kuu kashkaash
ifkana kurbo kaa xijaab
anoon kaabay xajkiyo
ku gayn kabcadii mudnayd
wadkadisi kuma helee hooyo

Exit mobile version