maxaa helay hankaagii
hoodada lahaan jiray
ee hedataabiyo
hadimada necbaan jiray

mana helin warkaagee
halkeebaad kusugantahay
waan kuu hiloobee kow
waan kuu haraadee kow
waan ku haybiyaa weli

waan tebay hedaadii
wakhti aan u huri jiray
ee aan hadiyo jeer
markastaba ku hiran jiray

mana hadhin xusuustiye
horjoogaagii waan rabay
wali kuma hilmamine arag
wali kaama hadhaaye fahan
waan ku haybiyaa garo

Exit mobile version