Dadbaa nacasnimo u qaata
Nugayl sababtiisa lehoo
Nasiib kugu ceersadee
Jacayl lada kugu noqdiyo
Nafada aan laga bogsoon
Naftaadeey dhaawacaanee

Ruuxyahoow aan necbaan karin
Nasteexana aan ii ogeeyn
Haddaan naxariisi jirin
Nagaasho waa muggee
Nuurkii adigaa gashee
Adduunyada nabad kuwaar

Niyaayir ka quusan waagiyo
Qaarbaa naanays u qaata
Nabsiga cadowgooda oo
Naftooda loo adeegsadee

Dareen naxli reeba iyoo
Nolasha aan loo sinneeyn
Nusqaan beey kugu riddaaye

Ruuxyahoow aan necbaan karin
Nasteexana aan ii ogeeyn
Haddaan naxariisi jirin
Nagaasho waa muggee
Nuurkii adigaa danshee
Adduunyada nabad kuwaar

Exit mobile version